animated-somalia-flag-image-0006   Somali  animated-somalia-flag-image-0006


Kitaabka xaqa ah


Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. 

Yooxanaa 17:3  


Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. Yooxanaa 3:16


Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.  Rooma 5:8


Oo waxay [Maryan] umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa. Matayos 1:21



Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo  xaqdarrada oo dhan. 1 Yooxanaa 1:9



 Ciise wuxuu Toomas ku yidhi,

 Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha.

 Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.


 Yooxanaa 14:6  



Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,  laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin.   Efesos 2:8,9


Soo deji, daabac, oo wadaag 


Somali Bookmarks.pdf Somali Bookmarks.pdf
Size : 3559.912 Kb
Type : pdf